Hordhac
Dunida maanta, Teknoolojiyadda iyo Internetka ayaa si weyn u beddelay hababka ay bulshooyinku isu taageeraan una wadaagaan sheekooyinkooda. Mid ka mid ah hababka ugu saameynta badan ee taageerada bulshadu waa ‘Crowdfunding’, oo ah nidaam dadka u oggolaanaya inay si wadajir ah u ururiyaan lacag si ay u caawiyaan qof ama arrin khayriya oo u baahan gargaar.
Iyadoo laga duulayo baahida sii kordheysa ee bulshada Soomaaliyeed u qabto madal fudud oo lagu abaabuli karo qaadhaan uruurin, waxaa la aasaasay HiilBox, oo ah madal Digital ah oo crowdfunding ah oo loogu talagalay inay isku xirto dadka u baahan taageero iyo kuwa doonaya inay caawiyaan.
Madashu waxay u suurtagelisaa shaqsiyaadka, bulshada, iyo hay’adaha inay si sahlan u bilaabaan ololeyaal fundraising ah isla markaana ay helaan taageero ka imanaysa bulshada gudaha iyo dibadda.
Waa Maxay HiilBox.
HiilBox waa madal crowdfunding Digital ah oo loogu talagalay inay awood siiso shaqsiyaadka, bulshada, iyo hay’adaha inay lacag u ururiyaan sababaha muhiimka ah. Madashu waxay isku xirtaa deeq-bixiyeyaasha iyo ololayaasha la xaqiijiyey si loo taageero mashaariic samafal oo kala duwan sida:
- Caawinta Caafimaadka: Taageerada shaqsiyaadka iyo qoysaska u baahan daaweyn caafimaad oo degdeg ah.
- Horumarinta Bulshada: Mashaariicda horumariya kaabayaasha bulshada iyo nolosha bulshada, sida ceelasha, biriishyada iwm.
- Taageerada Waxbarashada: Taageerada ardayda, iskuullada, iyo mashaariic waxbarasho.
- Gurmad Degdeg ah: Taageerada bulshada ay saameeyeen musiibooyin dabiici ah ama xaalado degdeg ah.
- Barnaamijyada Diinta iyo Samafalka: Taageerada masaajidda, barnaamijyada quudinta Ramadaanka, iyo mashaariic samafal.
- Daryeelka Bulshada: Caawinta dadka nugul iyo qoysaska u baahan taageero.
HiilBox; waxaa loo aasaasay si loo buuxiyo farqiga u dhexeeya dadka u baahan taageero iyo kuwa doonaya inay caawiyaan. Iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad digital ah oo casri ah iyo nidaamyo lacag-bixin oo ammaan ah, madashu waxay suurtagelisaa qaadhaan uruurin hufan,daahfuran, degdeg ah, oo saameyn leh.
Madashu waxay si gaar ah diiradda u saartaa taageerada bulshada ku nool dhulka Soomaalida, iyadoo sidoo kale soo dhoweynaysa ka qayb qaadashada qurbajoogta Soomaaliyeed iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Iyadoo loo marayo HiilBox samafalku wuxuu noqday mid fudud, hufan, oo awood leh.
Qiyamka Aasaasiga ah ee Hiilbox (Core Values)
- Daahfurnaan (Transparency): Hubinta in dhammaan hawlaha qaadhaan uruurinta ay noqdaan kuwo cad oo la isla arki karo bulshaduna lasocoto halka uu maraayo qaadhaanku.
- Kalsooni (Trust): Abuurista madal lagu kalsoonaan karo oo ay ku tiirsanaan karaan deeq-bixiyeyaasha iyo dadka gargaar u baahan.
- Awood-siinta Bulshada (Community Empowerment): Xoojinta bulshada iyadoo la dhiirrigelinayo wadajir iyo taageero is-dhaafsi.
- Hal-abuurnimo (Innovation): Isticmaalka teknoolojiyadda si qaadhaan uruurinta looga dhigo mid sahlan, waxtar leh, oo ammaan ah.
- Saameyn (Impact): Hubinta in deeq kasta ay keento isbeddel macno leh oo nolosha dadka wax ka beddela.
Sababta Loo Abuuray HiilBox.
Bulshada Soomaaliyeed waxay leedahay dhaqan qoto dheer oo ku saabsan iskaashi iyo iscaawin, balse mararka qaar waxaa adkaata:
- In gargaar degdeg ah la abaabulo
- In taageero la gaarsiiyo dad badan
- In qurba joogtu ay ku qasban yihiin inay tagaan bangiyo si ay qaadhaab u bixiyaan
- In la helo nidaam hufan oo lagu maareeyo qaadhaan uruurinta
HiilBox waxaa loo sameeyay si ay u noqoto xal casri ah oo isku daraya teknoolojiyadda iyo dhaqanka samafalka ee bulshada Soomaaliyeed, taas oo u sahlaysa qof kasta inuu si sahlan u bilaabo olole samafal oo uu bulshada kula wadaago sheekadiisa.
Sida HiilBox u Shaqeyso
Habka madashu u shaqeyso waxaa ka mid ah:
- Abuurista Olole – Qof ama hay’ad ayaa abuura campaign isagoo sharraxaya sababta uu taageerada u doonayo.
- Xaqiijinta aqoonsiga (Verification & KYC) Shaqsiyaadka abaabulaya ololayaasha qaadhaan uruuritna waxaa lagu sameeyaa hubin si loo xaqiijiyo saxnaantooda iyo aqoonsiyadoodaba.
- Faafinta Ololeyaasha – Ololeyaasha waxaa lagu wadaagi karaa baraha bulshada iyo shabakadaha bulshada.
- Helitaanka Deeqaha – Taageerayaashu waxay ku deeqaan lacag iyagoo adeegsanaya nidaam lacag-bixin oo ammaan ah.
- Gaarsiinta Saamaynta – Lacagta la ururiyo waxaa si toos ah loo gaadhsiiyaa cidda loogu talagay iyadoo la ilaalinayo daahfurnaan.
Maxaad helaysaa haddaad isticmaasho Hiilbox
Bulshadu isticmaasha Hiilbox waxay ka helaysaa wax tar aad u badan sida hoos ku cad:
- Deeq-bixiyeyaasha (For Donors)
Deeq bixiyeyaashu waxay helayaan faa’idooyinka hoos ku xusan
- Deeq-bixin online ah oo fudud oo ammaan ah.
- La socodka horumarka ololaha qaadhaan uruurinta iyo qadarka lacageed ee laso uruuriyay si hufan.
- Fursad lagu sameeyo saameyn bulsho.
- User ugaar ah oo uu kala socon karo deeqbixintiisa guud ahaan.
- Receipt caddayn u ah lacagta uu bixiyay.
Qaadhaan uruuriyaha (For Fundraisers)
- Abuurista olole qaadhaaan uruurin si degdeg ah.
- Helitaanka deeq-bixiyeyaasha soomaliyeed iyo kuwa qurba joogta ahba.
- Qaab fudud oo lagu faafiyo ololaha qaadhaan uruurin.
- Nidaam lacag-bixin oo ammaan ah
Gunaanad
Ugu dambayn, HiilBox waxay noqotay sanduuqa reda iyo isku xirka bulshada, taas oo u sahlaysa dadka inay si wadajir ah u dhisaan bulsho ku dhisan taageero, kalsooni, iyo wadajir.














